Saturday, July 12, 2008

Guurku Mashruuc Miyuu Noqday? Miyaanu Guurku Aheyn Hoy Lagu Nagaado?

Dad badab baa guurka ka aaminsan inuu yahay bilowga jacayl iyo nolol farxed leh, kuwo kale ayaa ku doodaya inuu yahay xabsiga jacaylka! Qoraalada Jacaylka waxay sheegayaan in guurku yahay geed dadku wada harsadaan, guri dadku wada dugaalaan, ilo’ lamaanaha ka waraabaan, shimbir baalasha ku sidata daacadnimo, kalsooni, nafhurid, dhaga nuglaan…..Jacayl!.


Jacayl imisaa u ilmaysay, u dhafartay, u calaacashay….xitaa u god -gashay…Qeys iyo Layla Al-Caamiriya waa isu god-galeen, sidoo kale Romeo iyo Juliet, Cantara Ibnu Shidad iyo Cabla waa u jihaadeen…Cilmi Boodhari waa u geeriyooday…….

Dhib ha u mareen laakiin magacoodu waa waaray….Jacaylkaas tusmaha noqday marka laga soo tago mar kasta jacayl waa jiraa…..Haa Jacayl waa jirayaa inta wadnaha garaacmayo!, inta banii-aadam nool yahay!, inta su’aashu Haween tahay Jawaabtuna Rag!.


Diinteena Islaamka “Quraanka iyo Sunada” labaduba Jacayl si aad ah ayaa looga hadlay, waa diin Jacayl..bal akhri taariikhda Nabiga iyo Asxaabtiisa..bal u fiirso dagaalka Aws iyo Khazraj halka uu ku dhamaday-heshiis iyo Jacayl-Nabigeena waa jeclaaday waa la jeclaaday waa guursaday..Nacam Garoob iyo Gabarba waa guursaday laakiin waligii ma furin, siduu wax ku nacaa hadiiba lagu naaneyeso Xabiib.


Inkastoo diinta Islaamka si wayn uga hadashay Jacaylka sida labada isu dhaxda, isdhashay, isla dhalatay ama xidhiidhka leh, inkastoo diinta ka hadashay in dadka aanay kala bakhiilin qalbigooda, gacantooda iyo waqtigooda hadana maalin walba waxaan aragnaa ama maqalnaa necaybkii oo sii kordhaya, khilaafaadkii oo sii badanaya, guur lagu deg-dego iyo furiin badan!.

Hadii aad qalbi furan tahay waxaa hubaal ah inaad la kulmayso dad badan oo Jacayl kaaga dacwooda, adigase inaad hesho dhagaytse wacan waa adagtahay…waxaa laguu sheegayaa “waan jeclaaday waa lay jecladay!, waan ka tagay waa layga tagay!, waan dhaawacay waa lay dhaawacay!…dunidii waa isbedeshay waxaa yaraatay kalsoonidii, daacadnimo ma jirto..furiin iyo kala-tag ayaa meel walbo la hadal hayaa, arinta la yaabka leh waa 20 jir garoob ah iyo 60 jir caruurtii lagu furay!.

Sugaantii hore-heesihii hore- iyo Fanaaniintii hore sida Magool, Umu khaltoum, Fayruus, waxay ka hadli jireen Jacayl, dhafar, sabar iyo dulqaad, walwal iyo harsi la’aan,n axariis, nolol iyo xiiso…heesaha maanta waa kala tag, diidmo, khiyaano, calaacal……dadka ku sugan dunida Sedexaad waxay ka sheegtaan Faqri..waxay ku dacwoodaan inay jirto murti macnaheedu yahay “Hadii Faqri Albaabka kasoo galo Jacayl daaqadda ayuu ka baxaa!”. “Ilaahoow doob u naxariiso!”, Faqri waa jiraa balse in dartii layku noco ama xaaskii iyo caruurtii laga gadoodo meel ay ku qoran tahay lama arag.

Sacdiyo waa Gabar London ku nool waxay ku dooday in ragii mas’uuliyad ka cararayaan, “Jacayl ma jiro ee Single Mother ayaa jirto” ayey tiri, iyadoo sii raacisay “Ajaanib ayey raaceen qaarkood”. Hadii Yurub sidaa tahay Maraykanka waa sidee?. “Halkan guurna waa jiraa furiina waa jiraa balse hadii shaqo jirto waa la kala mashquulayaa-shaqadaa sharaf leh” C/raxmaan Maxamuud ayaa sidaa igu yiri isagoo ku dooday inay meelo badan dhaamaan.

Waa run in dhibaatooyinka guurka iyo furiinka dalal badan nala wadaagaan balse waxaa jirto arimo naxdin leh, hadii dalalka Khaliijka iyo wadamo kale sida Marooko ay dhalinyarada ka qayliyaan Meherka oo qaali ah dartiis inuu guurku u yaraaday waxaa nasbii daro ah in Soomaaliya Meherka oo fudud awgeed furiinkana u fududaaday..Haa midaas ayaa dhibaatada keentay..Inkastoo aanan wali guursan hadana in meherka nagula qaaliyeeyo waa arin aan xal u arko!..sababo badan awgood, dhibaatada furiinka waxaa nala wadaago Muritaaniya, dalkaas oo furiinka loogu dabaaldagaa sida guurka loogu dabaal dago!.

Ugu dambeentii Akhristaha sharafta lahoow Guurku waa nagaadi, waa kalsooni, waa mustaqbal…mar kasta oo labada is qabta ilaahay ka cabsadaan, Akhlaaq wanaag ku dhaqmaan, isu naxariistaan, isu tanaasulaan, isu samraan, isu kalsoonaadaan, naftana isu huraan inshaa alaah Aqalkaas waa waarayaa…

ka fakir Caruurtaada..Haa Caruurtaada oo furiinta kadib Aabo kale ama Hooyo kale cuqdad kula noolaanaya! Guurka:xarig sharci ah iyo balan waarta oo lamaanaha wada galaan, ujeedadiisuna tahay dhowrsanan labadooda iyo deganansho.

No comments: